Kooxda Xamaas ayaa wareyjisay meydka Shiri Bibas oo u dhalatay Israa’iil, taa oo ku dhimatay duqeymaha Israa’iil ka geesatay Gasa, waxaana wareejinta meydkan imaaneysaa kaddib markii Xamaas maalmo kahor wareyjisay meydad afar qof ay ku jirto meyd kale oo haweeneydan lagu qalday.
Israa’iil ayaa sheegtay in meydka haweeneyda ee lagu soo wareejiyay Sabtidii uusan aheyn Shiri Bibas, waxa ayna xuseen in meydkaasi ahaa haweeney Falastiini ah oo kooxda Xamaas ku qaldeen meydka haweenrydan geeriyootay.
Tv-ga Al Jazeera ayaa baahiyay in kooxda Xamaas wareyjisay meydka haweeneydan qaladka ka dhashay aqoonsigeeda, waxa ayna Israa’iil sheegeen in ay baarayaan meydkan cusub ee lagu soo wareejiyay ee lagu sheegay Shiri Bibas.
Xamaas ayaa dalbatay in dib loogu soo celiyo meydkii ay horey ugu wareejiyeen Israa’iil oo hadda la ogaaday in ay aheyd haweeney Falastiini ah, lamana oga sida ay maamulka Israa’iil meydkaasi ugu celin doonto gacanta kooxda Xamaas.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com