Allbanaadir.com
NEWS

Yurub oo ka cabsanaysa in xogtooda sirta ah helaan maamulka Trump

Xulafada Maraykanka ee Yurub marka lagu daro NATO waxay raadinayaan habab ay ku ilaalinayaan macluumaadka sirta ah ee ay la wadaagayaan maamulka Madaxweyne Donald Trump .

Dalalka Yurub ayaa la sheegay in ay cabsi ka qabaan qaar ka mid ah saraakiisha Sirdoonka Yurub in saraakiisha maamulka Trump , gaar ahaan Agaasimaha Sirdoonka guud ee Mareykanka oo loo soo gaabiyo DNI; Tulsi Gabbard, uu si cad u soo bandhigi karo ama u faafin karo macluumaadka sirta ah ee la xiriira amniga Yurub.

Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa hay’adda sirdoonka Ingiriiska (SIS), oo sidoo kale loo yaqaan MI6, ayaa sheegay muddo xileedkii hore ee Trump , in sidan oo kale hoos u dhigeen xogaha sirta ah ee ay la wadaagayaan Mareykanka , kaddib markii Trump uu bartiisa xilligaa ahayd Twitterka ku baahiyay , sawirrada sirta ah ee goobaha gantaallada Iran iyo xog la xiriirta Iran oo Ruushka uu la wadaagay Israa’iil.

Arrintan oo uu ku sheegay argagax inay waqtigaa ku riday ayuu sarkaalkan hore ku sheegay inay xalafada Mareykanka ku khasbayso inay hoos u dhigaan xogaha sirta ah ee ay la wadaagi karaan maamulka Trump oo ay dheertahay xiisad hadda u dhaxeysa Yurub iyo Mareykanka , wallow hay’adaha sirta reer galbeedka ay wadajir ah u howlgallaan.

Related posts

Hogaamiyaha Mucaaradka Siiriya oo hadalkii u horeeyey jeediyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo la keenay Muqdisho iyo Warar sheegaya in loo qaadayo dalka…

Cabdi Cade

Qarax lala beegsaday haween ka shaqeeya Nadaafada oo saaka Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---