Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo duqeyn culus ku garaacay godad ay ku jireen Daacish

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo taageeraya ciidamada Puntland , ayaa xalay duqeymo culus ku garaacay buuraha Calmiskaad, gaar ahaan godad la sheegay in ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah diyaaradaha Mareykanka xalay abaaro sagaalkii habeennimo ka fuliyeen buuraha calmiskaad, duqeynta ayey taliska sheegeen in lagu bartilmaameedsaday goobo ay joogeen Daacish.

Taliska ciidamada Puntland ayaana sheegay in duqeynta lala eegtay bartilmaameedyo ay joogeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsanaa kooxda Daacish, waxa ayna sheegeen taliska in dib laga faahfaahin doono khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad gaar ahaan aagga toga Jaceyl ayaa la sheegay in lala eegtay talis weyn oo kooxda Daacish laheyd, waxaana duqeynta si xooggan loogu garaacay goobaha kooxdaasi lagu tuhmayo.

Mareykanka iyo Imaaradaka Carabta ayaa duqeymo la beegsanaya dagaalyahannada kooxda Dacaish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halka ciidamada difaaca Puntland howlgal dhinaca dhulka ah ka wadaan buuraha Calmiskaad gaar ahaan aagga ay joogaan Daacish.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) DF oo qalab muhiim ah u qeybisey Masaajido ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu xasuuqay magaalada Gaza oo Korortay iyo Caalamka oo…

Cabdi Cade

Jaamacadda Benaadir oo deeq Waxbarasho siisay Macalimiinta dugsiyada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---