Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo war kasoo saartay duqeyn Mareykanka la beegsaday Al Shabaab

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025.

Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana duqeyntan looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkeeda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Related posts

Ciidamo badan oo dalka Dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismaha garoonka Diyaaradaha Cadale oo gebogebo maraya iyo madax sare oo kormeer ku tagay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo Madaxweyne Xasan ka difaacay toosh weyn oo lagu ifiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---