Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga oo dib ula wareegay deegaanno Al Shabaab qabsadeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaannada Miir-taqwa Ceelbaraf iyo deegaanno kale oo katirsan  gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan gacanta looga dhigay deegaanka Miir-taqwa iyo deegaannada kale waxaa hoggaaminayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga , kuwaa oo dagaal adag la galay kooxda Al Shabaab ee shalay la wareegay deegaanno katirsan Hirshabelle.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa qaaday howlgallo rogaal celis ah ay Al Shabaab uga saarayeen deegaanno ay shalay Al Shabaab weeraro culus ku qaadeen gacan ku heyntoodana kula wareegeen.

Al Shabaab ayaa shalay weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanno dhowr ah ay kamid ahaayeen Ceel Cali Axmed, Miir-taqwa, iyo deegaanno kale oo dhaca xadka gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Related posts

Dil Naxdin iyo argagax leh oo ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Saameynta Muqdisho ku yeeshay Roob xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’aya

Cabdi Cade

Xog ku aadan Guddoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabayo Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---