Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska oo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka.
Shirka Todobaadkan waxaa Warbixino Ammaanka ku saabsan looga dhageystay Qeybta guud ee Gobalka Banaadir , Hoggaanka Baarista Dambiyada CID, Taliska La dagaalanka Argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka oo soo bandhigay Warbixin la xiriirta halka ay marinayaan kormeerka iyo qiimeynta Booliiska oo ay weli ku howlan yihiin.
Taliyaha ayaa Saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo waxaana uu faray in la xoojiyo doorka Amniga Dalka uga aadan Booliiska maadama Bisha Barakaysan ee Ramadaan soo dhowdahay
Shacabka ayuu u jeediyey codsi la xiriira in laamaha Ammaanka ku gacan siiyaan ka hortagga falalka al shabaab oo mar kasta ku howlan waxyeelaynta Bulshada Soomaaliyeed sida uu yiri.