Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo War ka soo saaray dhalashada bisha Ramadaan

Dowlada Sacuudiga ayaa war ka soo saartay bisha barakeysan ee Ramadaan oo todobaadka dambe la filayo iney ka bilaabato caalamka Islaamka

Maamulka Xarameynka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in maalinta Jimcada 28 February oo ku beegan 29 Shacbaan habeenka sabtigu soo galayo la raadin doono dhalashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hadii habeenkaas la arko bisha Maalinta sabtida ah oo ku beegan 1da Maarso ayaa noqon doonta maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sacuudiga ayaa sheegay in hadii habeenka Jimcaha ee sabtigu soo galayo la arki waayo bisha la dhameystiri doono 30ka Shacbaan, maalinta axada ah ee xigta 2-da bisha Maarso ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ramadaan.

Guud ahaan caalamka islaamka ayaa waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo loogu jiro soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil kulansatay khayr iyo fadli fara badan.

Related posts

Eritrea oo bilowday in ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigrey kadib baaq loo diray

Cabdi Cade

Haibatullah Akhundzada oo soo saaray Amar culus iyo kala shaki soo kala dhax galay Taliban

Cabdi Cade

Xayiraadii laga qaaday Shirkada Al Barakaat oo lasoo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---