Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay tirada Daacish looga dilay dagaalkii maanta

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa sheegay iney Daacish ka saareen degaannada Qurac iyo Damdamle oo dhaca togga Jeceel.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen degaannada Qurac iyo Damdamle kaddib markii ay jebiyeen dagaallamayaasha Daacish oo halkaasi ku lahaa saldhigyo ciidan.

Taliska Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka ajaanib ka tirsan dagaallamayaasha Daacish oo lagu dilay hawlgalkii maanta ka dhacay degaannada Qurac iyo Damdamle.

“Hawlgalkii maanta oo ahaa Cir iyo Dhul, waxaa lagu dilay in ka badan 44 Argagixiso Daacish ah, waxaana laga qabsaday Argagixisada deegaano muhim ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND

Related posts

Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo u kicitimaya New York

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Daraasad laga sameeyey Muslimiinta ku nool Norwey oo arrimo argagax lagu ogaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---