Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo eedeyn cusub u jeediyey dowlada Somalia

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed ayaa sheegay in Hogaanka Dowladda Federaalka ah ay siyaasadeeyeen Mashaariicda iyo howlaha la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hogaanka Talada dalka haya aan lagu aamini karin Masuuliyada Maamulka ee howlaha Mashaariicda iyo adeegyada bulshada.

Wuxuu hay’adaha caalamiga ah ku wargeliyay inay Jubbaland si toos ah ula macaamilaan, oo aanay waxba usoo marsiin dowladda federaalka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Jubbaland ay bixinayso shatiyo kalluumaysi.

Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay hoggaanka Jubbaland inuu sabab u yahay khilaafka sii xoogeysanaya, maadaama uu ka baxay wixii ballamo iyo heshiisyo ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen.

Axmed Madoobe ayaa hadallkan ka sheegay Shirweynaha Bandhiga Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubbaland oo ka furmay magaalada Kismaayo

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Hotel Decale uga Socda Rooble iyo Musharaxiinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Milateriga difaacyada kaga jira Baraawe oo ku biiray ciidamada gadoodsan (Daawo Video)

Caydiid Ali

Markaska Albaani Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---