Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ciro oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc weyn

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taasoo kamid ahayd ballanqaadyadii madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka safar shaqo kaga kallahay caasimadda Hargeysa, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu dhagax-dhigayo bilowga waddada isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo xukuumadda kaga dhabaynayso ballanqaadyadii xilligii ololaha ee xisbul-xaakimka WADDANI.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hay’adda horumarinta waddooyinka,  badhasabaabka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, madax-dhaqameedka kala duwan ee gobolka Awdal iyo marti-sharaf kale duwan, waxana halkaas lagu muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay guud ahaan gobolka Awdal, waxana si weyn loo soo dhaweeyey dedaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii raad muuqda oo dhinaca waxqabadka kaabayaasha dhaqaalaha ah uga fulin lahaa guud ahaan Awdal.

Ugu horrayn, badhasaabka gobolka Awdal, Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xodey) iyo  maayarka degmada Boorama, Mudane Mustafe Faarax Qabille  oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida lexejeclada leh ee uu ugu dhiirraday dhagax-dhigga waddadan muhiimka ah si uu u fuliyo ballanqaadkiisii.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee ugu magaca weyn gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey tallaabada horumarka leh ee uu ku dhagax-dhigay waddada isku xidhaysa  magaalooyinka Boorama iyo Baki, waxana ay si cad u sheegeen inay tallaabadani tahay mid taariikhi oo uu madaxweynaha qaranku ku horumarinayo gobolka Awdal.

Guddoomiyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xogwarramay waddadan iyo muhiimadda ay leedahay, waxana uu xusay inay madaxweynaha ka go’an tahay dhammaystirka waddadaasi.

Wasiirrada wasaaradaha gaadiidka iyo Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Afgaab, Wasiirka Arimaha Gudaha   Cabdalle Maxamed Carab  iyo Wasiirka warfaafinta, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey go’aanka uu kaga dhabaynayo ballanqaadyadiisii xilliga ololaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in waddada maanta la dhagax-dhigayaa wax badan kusoo kordhin doonto dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Awdal.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in xukuumadda mid mid u fulinayso dhammaanba ballamihii ay bulshadii codka siisay u qaadday, waxana uu bulshada ugu baaqay inay horumarka kala shaqayso xukuumadda.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ah soo afmeeray, ayaa xusay inay ka madaxweyne ahaan ka go’an tahay fulinta wax kasta oo uu shacabka ugu ballanqaaday, waxana uu tilmaamay inay waddadani fure u noqon doonto horumar oo dhinaca kaabayaasha oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ka fulin doonto gobolka Awdal, waxana uu yidhi, “Waddadaasi waxa ay kordhin doontaa wax soo saarka gobolka haddii ay beero tahay iyo haddii ay macdan tahayba.”

Madaxweynuhu  waxa uu sheegay in mashruuca ugu weyn ee xukuumaddiisu muddo-xileedkeeda fulin doontaa ka qorshaysan yahay gobolka Awdal, maaddaama oo ay ballamihiisa kamid ahaayeen,   “mashruuca ugu balladhan mudo-xileedka xukumadda wadajir iyo waxqabad wuxuu noqon donaa mashruuc uu gobolka Awdal leeyahay oo noqon doona Boorama Fardaha ilaa iyo Lawyacaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Related posts

Shir looga hadlay Maqaamka caasimada & qodobo kale oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Yoon Suk oo raaligelin bixiyay xilli uu xaalka ku xun yahay

Cabdi Cade

Shirkada Somtel oo Abaalmarin u bixisay gaari Qaali ah iyo alaabo kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---