Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ciidankiisa kala baxaya inta badan dalalka Yurub

Sarkaal ka tirsan Bariga Yurub ayaa u sheegay wargeyska Jarmalka ee BILD, inay socdaan wadahadallo la xiriira ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dhammaan waddamada Yurub ee ku biiray isbaheysiga NATO, wixii ka dambeeyay 1990-kii,

Arrintan oo la sheegay inay ka mid ahayd yoolalka wada-hadalladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay Ruushka iyo Mareykanka.

Dalalka uu go’aankan saameynayo ee ay ciidanka Mareykanka ka baxayaan, waxaa ka mid ah; Albania, Bulgaria, Croatia, Czechia, Estonia, Finland, Hungary, Latvia, Lithuania, Montenegro, Waqooyiga Macedonia, Poland, Romania, Slovakia, Slovenia, iyo Sweden.

Wargeyska The Economist ayaa qoray in Trump uu rabo inuu ka takhaluso Madaxweynaha Ukraine Zelensky, si uu ugu qasbo Ukraine inay saxiixdo heshiiska, lagana yaabo inuu gooyo ama joojiyo gargaarka milatari, iyo sidoo kale inuu ka gooyo ciidanka Ukraine xogta sirta ah ee dayax-gacmeedka

Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk ayaa sheegay in hadii Ukraine lagu qasbo iney is dhiibto ay Yurub halayso xaalad adag.

“Haddii lagu soo rogo inay Ukraine si khasab ah isku dhiibto waxay la macno tahay in reer galbeedka oo dhan ay is dhiibaan.” ayuu yiri

Hadalka wuxuu daba socda qorshaha Trump ee ah inay Ukraine heshiis aan dookh kale lahayn la gasho Ruushka ayna ka quusato dhulka laga qabsaday iyo iney ku biirto NATO.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisa uu si buuxda u qaadi doono mas’uuliyadda nabadda iyo ammaanka Yurub ayna taageerayaan Ukraine.

Related posts

Qarax xeelad cusub loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo caawa la xisaabtamay maamulada afar degmo ammarana siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad kala socotaa tartanka neefkii Geella ee ku guuleysta la siinayo $66 milyan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---