Allbanaadir.com
NEWS

Doorasho qof iyo cod oo maanta laga taageeray Muqdisho (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Wacyigelinta Doorashooyinka ee hal ku dhigiisu ahaa – 𝘿𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙤𝙬 𝘿𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙤 “𝘿𝙤𝙤𝙧𝙤 𝙖𝙢𝙖 𝙝𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝘿𝙤𝙤𝙧𝙩𝙤” iyadoona ujeedkiisu ahaa sidii ay bulshada wax ugu baran lahaayeen Sooyaalka Doorashooyinkii soo maray dalka iyo fahamka Doorashooyinka tooska ah (Qof iyo Cod).

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐅𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚𝐠 oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in diyaar garowga Maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir ee Doorashooyinka tooska ah ay furo u noqoneyso albaabka doorashooyin qof iyo cod ee ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod, si ay usoo doortaan hogaanka Maamuli lahaa oo aan ku imaan magacaabis, waxa uuna xusay in dhawaan lasoo gaba-gabeeyay asteynta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Culuma’udiin, Aqoonyahano Dadka baahiyaha gaarka qaba, dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, iyadoona xubnihii madasha ka hadlay ay dhamaantood hoosta ka wada xariiqeen ahmiyada uu dalka iyo dadka u leeyahay qabsoomida doorasho qof iyo cod.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey dagaalka Dhuusamareeb iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Dagaal culus oo maanta dhax maray Ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab

Cabdi Cade

Haweeney ku dhaqaaqday Fal argagax leh oo dad badan ka careesiiyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---