Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo wareejisay afar meyd iyo xogta qaabkii loo dilay oo la shaaciyay

Ururka Xamaas , ayaa horraantii maanta wareejiyay afar meyd oo ka mid ah maxaabiista Israa’iil , kuwaasoo dhammaantood lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay ka geysanaysay marinka Qasa 15 bilood ee u dambeysay.

Mid ka mid ah meydadka la wareejiyay waxay ahayd ; Shiri Bibaas oo ahayd haweenay ka howlgallaysay xafiiska taliyaha ciidanka Israa’iil ee taliska koonfureed, waxaa kalo ay horey uga soo shaqeysay laanta gaarka ah ee sirdoonka militariga Israa’iil, ee 8200 oo ah kooxda hagta weerarrada Qasa , waxaa la dhintay labo carruur oo ay dhashay. Sarkaal ka tirsan guutooyinka Xamaas ayaa goobta lagu wareejinayay meydkeeda wuxuu ka sheegay inay si naxariis leh haweenaydan ula dhaqmeen oo ay u geeyeen carruurteeda, iyagoo ku wareejiyay dhisme dhan oo aysan ku dareemin inay maxbuus tahay, balse Israa’iil ayaa si bareer ah goobta u duqeysay , taa oo dhalisay dhimashada iyada iyo carruurteeda.

Qofka afaraad ee meydkiisa la wareejiyay, waa Oded Lifshitz , oo ah odey Israa’iili ah oo sannadkii 2019-kii wargeyska Haaretz ku baahiyay maqaal uu ciwaan uga dhigay ; “Netanyahu ma aha difaaca Israa’iil”, si la mid ah wuxuu isna ku dhintay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay goobtii lagu hayay. Dhinaca Israa’iil, waxay sheegeen inay 4 meyd marin doonaan baaritaan ay ku shaacinayaan si ay u dhinteen.

Mid kasta oo ka mid ah afarta naxash ee meydadka Israa’iiliyiinta, waxaa lagu qoray xogtooda, gantaalka lagu dilay iyo sawirka Netanyahu oo lagu hoos qorey inuu yahay dilaaga ka dambeeyay dhimashadooda oo ay tahay qoysaskooda inay ka aarsadaan. Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, wuxuu sheegay in la qorsheeyay Netanyahu inuu ka qeybgalo wareejinta meydadkan marka la geeyo Israa’iil, balse wuxuu joojiyay ka qeybgalkaa, tan oo lala xiriiriyay habka ay u qabatay Xamaas wareejinta meydadka oo argagax ku reebtay Netanyahu, sabab la xiriirta dhimashada maxaabiista ayaa lagu soo bandhigay goobta inuu si ula kac ah u amray Netanyahu.

Goobta wareejinta meydadkan sidoo kale , waxay Xamaas u adeegsatay inay ku gudbiso ficillo argagax ku ridaya Israa’iiliyiinta, waxaa far waa weyn lagu soo qoray ; “ Haddii aad dagaalka ku soo laabatay, waxaan annaguna idin soo diri doonaa naxashyo badan.” Sidoo kale , goobta waxaa goobjoog u ahaa Falastiiniyiintii ay ciidanka Israa’iil ka qabteen Qasa ee lagu xukumay xabsi daa’im ee dhowaan lagu soo sii daayay is dhaafsiga maxaabiista.

Dhinaca kale , Sabtida ayay Xamaas sii deyn doonta 6 maxbuus oo nool oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso ku dhawaad 800 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo Sabtida la sii deyn doono, tani waa inaysan jirin wax maxaabiista ah oo Falastiiniyiin maanta la sii deyn doono

Ugu dambeyntii,Xamaas ayaa sheegtay in ay sii deyn doonto afar kale oo mayd ah oo maxaabiis ah toddobaadka soo socda, iyaga oo dhammaystiraya wejiga koowaad ee xabbad joojinta. Wada xaajoodka wejiga labaad, oo la filayo in lagu soo celiyo ilaa 60 maxaabiis ah, oo in ka yar kala badh la rumaysan yahay inay nool yihiin, iyo in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan marinka Qasa, si loo oggolaado joojinta dagaalka, waxay u badan tahay inay billaabmaan maalmaha soo socda.

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’ada ka hortagta Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka oo la magacaabay

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka jawaabay hadal uu dhibsaday oo kasoo yeeray R/Wasaare Justin Trudeau

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka XDS oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---