Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo Itoobiya kala wareegtay xil ay horey u heysay

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqonaysa hoggaanka Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ,2-da sano ee soo socota oo ka bilaabanaysa bisha April 2025.

Shirka 23-aad ee Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay in Guddoomiyaha cusub ee Madasha uu noqonayo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige.

Wasiir Cige ayaa xilkan  kala wareegaya Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay, waxa ayna Soomaaliya xilkan heyneysaa labada sano ee soo socota sida uu qorshuhu yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib, waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha Iskaashiga Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo Wargelin la xariirta Dhaarinta Xildhibaanada oo saaray

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Cabdi Cade

Xukun lagu riday askari dhowaan Kismaayo ku dilay xaaskiisa oo uur laheyd (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---