Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubnaha Golaha Ammaanka & Nabadgelyada Midowga Afrika oo Muqdisho yimid (Sawirro)

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo ka kooban 15 xubnood ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Imaanshaha Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa ka dhigan mid dhiirrogelin iyo qiimeyn ku samaynaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sidoo kale geedi socod cusub oo lagu eegayo horumarka ay sameysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya” sidaas waxaa sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo weriyeyaasha kula hadlayay Gegidda Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Danjire Mohamed Idriss Farah, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya ahna Ergayga u qaabilsan Midowga Afrika, ayaa hogaaminayay wafdiga isagoo ah shirguddoonka xilligan ee Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada (PSC) waa hay’ad Midowga Afrika uu leeyahay oo u taaggan ka hortagga, maaraynta iyo xalinta khilaafaadka.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada (PSC) waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood. Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika ayaa doorta dhammaan xubnaha, waxaana lagu ansixiyaa fadhiga Golaha ee xiga. Shan xubnood ayaa loo doortaa muddo seddex sano ah, halka tobanka xubnood kale loo cimaamado min labo sano, badanaa waxa ay howl bilaabaan maalinta koowaad ee bisha April kadib marka la doorto oo fadhiga guud ee Golahana lagu ansixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiiska Musuqa ee loo heysto Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska RW oo weji cusub yeeshay (Cadeymo cusub)

admin

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---