Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Rooble laga hor joogsaday safar dibeda ah?

Ilo wareedyo ku dhow RW hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyay in laga hor istaagay safar uu rabay inuu ku tago Koonfur Africa.

Rooble ayaa ayaa la sheegay in uu rabay inuu ku safro baasaboorla xasaanadda leh diplomatic ah balse laga hor istaagay habraaca uu ku bixi lahaa sidaas loogu diiday.

Rooble ayaa laga hor joogsaday sida wararku sheegayaan warqad oggolaansho si baasaboorkii diblomaasiga uu ugu tago dalka Koonfur Afrika kadib markii uu casumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Mudane Rooble oo Safarkan ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiro hore, isla markaana go’aanka loogu diiday warqadda oggolaanshaha ay ka timid madaxda ugu sarreysa dalka.

Waxaa lagu wadaa in Rooble uu u ambabaxo dalka Koonfur Afrika maalinta berrito ah, isagoo isticmaalaya baasboorkiisa Sweden.

Lama ogga sababta ka dambeysa go’aankan, iyadoo xusid mudan in Mudane Rooble uu ahaa shaqsigii ka shaqeeyay in madaxda haatan tallada heysa ay ku yimaadaan doorashada uu qabashadeedu uu dhexda u xirtay xilli uu dalka ku jiray marxalad adag.

RW Rooble, ayaa dhawaan waxa uu kulan gurigiisa kula qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya Ambassador James Swan kaasoo ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay doorasho raali laga wada yahay oo ku timaado hanaan loo dhan yahay.

Bartiisa Facebook ayuu ku soo qoray xogta kulanka kaasoo loo arkay in uu diidan yahay sida hadda wax ku socdaan.

Related posts

Askar ka tirsan Ciidamada Maraykanka oo lagu dilay dalka Afghanistan

Caydiid Ali

Shabakad argagaxiso oo ajaaniib ku jiraan oo lagu xir xiray Boosaaso

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyey Maareeye & ku xigeen sheegtay in loo magacaay heyadda Isgaarsiinta Qaranka !!

admin
Taboola Ads ---