Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo amar culus ka soo saartay ajaaniibta soo galaysa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku soo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta ku soo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland

Og: Hay’adda Socdaalka

Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa

Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, Ajaanibta aan haysan  Sharciga Dal ku galka in aysan soo geli Karin gudaha Degaanada Puntland.

Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad ka gudataan waajibaadka idinkaga aadan.

Fiiro gaar ah:- Waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo lagu Maamuli doono Nidaamka Dal ku galka Ajaanibta soo gelaysa Degaanadda Puntland.

DHAMMAAN

Related posts

Saraakiil ciidan oo ka socday dalka Masar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Xooggaga Wadaniyiinta iyo xubno kale oo saakay loo diiday in ay galaan Madaxtooyada

Cabdi Cade

Bankiga cusub ee My Bank Limited oo Muqdisho laga daah-furay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---