Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Amiir oo ka farxiyey Qoyska wiil yar oo la ildaran..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay Cadnaan Maxamed Cali oo ah wiil 9-jir lana dhibaatoonaya xanuun ka haleelay Wadnaha, kaas oo wadanka gudihiisa wax looga qaban waayay sida ay sheegtay hooyo  Ruqiyo Maxamed Cali.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed Ahna Guddoomiyaha Daryeel Bulsho Maxamed Cali Siyaad, oo sheegay inuu ka war haayay xaalada Cadnaan oo kasoo jeeda qoys danyar oo aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka ku baxaaya  caafimaadkiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa balanqaaday inuu garab istaagi doono xaalada caafimaad ee Cadnaan Maxamed Cali,  islamarkaana uu si dhow uga war heyn doono mudada lala tacalaayo xaaladiisa, maadaama dhawaan loo qaadi doono caafimaad dibada ah.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed ee ilaahey wax siiyay inay ilgaar ah ku fiiriyaan dadka danta yar ee daruufaha la nool.

Related posts

Ruushka oo jabsaday xogta shir iyaga ka dhan ahaa iyo Olaf Scholtz oo ka carrooday falkaasi

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

War Deg Deg : Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo goordhaw Shir Jaraa’id wada qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---