Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay shirka uu Axmed Madoobe ka furay Kismaayo?

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bandhiga Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland.

Shirweynahan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland ayaa waxaa lagu soo bandhigay kheyraadka Kala duwan ee ceegaaga biyaha Jubaland iyo sida uu ugu baahan yahay maalgashi Caalami ah.

Shirkado Kala duwan oo ka shaqeeyaa kaluumaysiga ayaa madasha kusoo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin inay maalgashi ku sameeyaan kaluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga xeebaha iyo Jaziiradaha Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa madasha kaga dhawaaqay in Jubaland ay diyaar u tahay ka faa’iidaysiga dhaqaalaha Buluugga ah iyadoo Dowladdu ay fududaynayso dhammaan shuruudaha looga baahan yahay howshan iyo dhulka maalgashiga ku haboon si looga faa’iidaysto.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo abaabul dagaal ka wada Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal iyo Duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo Howlgal wali socda

Cabdi Cade

Dil Caawa ka dhacay Afaafka hore Masjid kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---