Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa kasoo baxay wadahadalladii farsamo ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo ee kadib heshiiskii Baaqa Ankara, oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo nabadda gobolka.

Wadahadalladan, oo Talaadadii ka dhacay magaalada Ankara, ayaa waxaa martigeliyay wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyadoo wafdiyada ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, wadahadalladan ayaa ku saleysnaa Baaqa Ankara, oo la ansixiyay 11-kii December 2024, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu dhexdhexaadiye ka ahaa, ayna saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si loo dhiso mustaqbal xasilloon oo horumar leh oo ay labada dal si wadajir ah u gaaraan.

“Maanta, intii lagu guda jiray wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta dhammaan qodobada iyo ruuxda Baaqa Ankara,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa kale oo lagu xusay in wadahadalladu dhidibbada u taageen iskaashi horumarineed oo waara, iyadoo labada dal ay ka shaqeynayaan sidii ay u hirgelin lahaayeen aragtida ay wadaagaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay fududeynta wadahadalladan, iyadoo sheegtay: “Labada wafdi waxay uga mahadceliyeen Turkiga doorkiisa joogtada ah ee gogol-xaarka wejiga xiga ee wadahadallada farsamo, oo lagu wado inuu qabsoomo bisha Maarso 2025.”

Baaaqa Ankara ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro xoojinta iskaashiga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo Turkigu uu dhexdhexaadiye muhiim ah ka yahay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Ergeygii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia oo xil cusub loo magacaabay

Caydiid Ali

Madax Afrikaan ah oo dhex-dhexaadin doonta Raashiya iyo Ukraine (Yaa kamid ah)

Cabdi Cade

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo u duulay Mareykanka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---