Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed , gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.
Howlgalkan ciidanka xoogga Soomaaliyeed fuliyeen oo ujeedkiisu ahaa ciribtirka kooxaha Al Shabaab ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada 9-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq,
Ciidanku waxay si xeel dheer uga howlgaleen deegaanada Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor ilaa Garas, halkaas oo ay ciidanka Jab ku gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka ciidanka xoogga dalka howllgalka ka sameeyeen iyada oo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay cagta mariyeen xarumo ay Al Shabaab isku urursanayeen, taasoo kor u qaadaysa nabadda iyo amniga gobolka.
Dadka deegaanka ayaa si diirran u soo dhoweeyay howlgalkan, iyaga oo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan CXDS oo si geesinimo leh ula dagaallamaya kooxaha argagixisada ah.