Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton.
Kulankan labada masuul dhax maray ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.
Marwo Pamela Coke-Hamilton , ayaa sheegtay in diyaar u yihiin in Soomaaliya dhinacyo badan ka taageeraan, waxa ayna amaantay dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay in horumaro badan gaartay.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, una ah tiir muhiim ah oo ka mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).