Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo si jees jees ah ugu jawaabay reer Galbeedka iyo Zelensky

Dalalka reer Galbeedka ayaa si weyn uga soo horjeestay qaabka dowladda Mareykanka u wajaheyso xal u raadinta colaada u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine, waxaa sidoo kale wadahadalada ka furmay Sacuudiga qaadacsan dowladda Ukraine.

Madaxqeynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ,ayaa sheegay in uu dhibsaday dagaalka dhiigga badan ku daadanayo ee u dhaxeeya Ruuska iyo Ukraine, waxa uuna xusay in uu aad uga naxo marka uu arko dadka ku dhimanaya dagaalkja labada dal u dhaxeeya.

“Waxaan doonayaa in aan arko nabad. Sababtoo ah ma rabo in aan sii daawado dadka dhimanaya. Waxaan arkaa dad la dilayo iyo dhiig qubanaya oo la leeyahay waa dadkii Ukraine iyo Ruushka. Runtii aniga muhiim iima aha cidda ay yihiin iyo meesha ay dunida uga nool yihiin. Waayo dad waa ii dad. Waxaana aaminsanahay in aan leeyahay awood aan ku soo afjaro dagaalkan. Waxayna ila tahay in hawshu si habsa,mi leh u socoto” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ka jawaabay dhaleeceyn ka timid Madaxweynaha dalka Ukraine, waxa uuna xusay in Volodymyr Zelensky uu mushkiladda xalkeeda uu raadinayo qayb weyn ka ahaa uusan xalka hadda qayb ka noqon karin.

Madaxweyne Trump oo uu u muuqda mid ku jees jeesaya reer Galbeedka ayaa yiri” “Maanta ayey leeyihiin ..Ooow, lama marti qaadin. Hagaag waxaad meesha joogteen 3 sanno, waxaadna haysateen fursad aad ku soo afmeeri karteen dagaalka saddexdaas sanno socdey. In aadan markii hore dagaalka billaabin ayaana ka sii hobboonaan lahayd. Haddiise ay dhacday, waxay ahayd in aad mar hore heshiis qaadataan… Anniga taladeyda haddii ay noqon lahayd, mar hore ayaan Ukraine u keeni lahaa xal inta badan dhulkeeda ay ku soo ceshan lahayd, islamarkaana looga baaqsan karay dad intaas le’eg ka dhinto ama magaalooyinkeeda la dumiyo..”!.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Trump, ayaa kusoo aadaya xilli ay wadahadallo ku ballansan yihiin Trump iyo dhigiisa dalka Ruushka, kuwaa oo Sacuusiga uga wada hadli doona xal u helida colaada sanadaha socota ee ka taagan Ukraine.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney ka qeyb galeysay Tartan cunto Cunis ah oo si lama filaan ah u geeriyootay

Cabdi Cade

Dad boob ka waday dalka Koonfur Afrika oo is buurtay iyo Dhimasho badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---