Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo furtay albaabka khilaaf cusub oo diblumaasiyadeed, maxaa dhacay ?

Kenya, markii wax ka yar toddobaad kaddib ay ku guul-darraysatay loolankii ay ugu jirtay kursiga guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee ururka Midowga Afrika, ayaa shalay furtay albaabka khilaaf diblomaasiyadeed oo kulul, kaddib markii xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee Nairobi albaabada loo furay , bannaankiisana calanka loo suray hoggaanka kooxda RSF ee la-dagaallamaysa militariga Suudaan iyo xulafadooda siyaasadeed.

Si aan horey loo xisaabin , waxay Kenya daartay duufaan siyaasadeed oo gobolka iyo guud ahaan qaaradda ah, waxaana xarunta shirarka ee KICC, roog cas loo dhigay hoggaamiye ku-xigeenka RSF, Cabdiraxmaan Hamdan Dagalo oo ah walaalka hoggaamiyaha kooxdan ee Maxamed Hamdan Dagalo oo Mareykanka uu cunaqabateyn saaray.

Maxay ka doonayaan kulanka Nairobi,kooxda RSF?

Isku imaatinka hoggaanka kooxda RSF iyo xulafadooda siyaasadeed ee xarunta shirarka Nairobi ee KICC, waxaa lagu sheegay ujeeddada laga leeyahay in lagu saxiixo wax lagu sheegay axdiga aasaaska Suudaan, kaasoo ah heshiis siyaasadeed oo laga doonayo in lagu dhiso dawlad rayid ah oo ka soo horjeeda midda milateriga uu hoggaamiye ee fadhigeedu yahay magaalada Port Sudan, balse si aan la sharrixin iyadoo sida lagu ballamay in la saxiixo axdigan aan la qaban, waxaa xarunta KICC, ka baxay hoggaamiye ku-xigeenka RSF, Cabdiraxmaan Hamdan Dagalo oo la doonayay inuu axdigan saxiixo. Halka shabakadda Sudan Tribune, ay ku warrantay in saxiixa axdigan dib loo dhigay 21 bishan Febraayo.

Kenya oo dooratay diblomaasiyad kulul;

Dabcan, maamulka Ruto ee Kenya oo horey dhexda uga jiray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka DR Congo, oo lagu sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee Kenya ay ku lumisay kursiga ugu sarreeya Midowga Afrika, ayaa hadda mar kale bannaanka usoo baxay iyagoo ka hor imaanaya milateriga Suudaan ee loo aqoonsanyahay maamullka Suudaan, xilli milaterigu guulo ka gaaray dagaalka oo dhul badan ay lumisay RSF. Horey, sannadkii 2023 , milateriga Suudaan ayaa diidday madaxweynaha Kenya,Ruto inuu noqdo dhex dhexaadiye nabadeed,kaddib markii hoggaamiyaha milateriga iyo maamulka dawladda Suudaan, Cabditaax Burhan uu ku eedeyay Nairobi inay taageerto oo ay martigeliso hoggaamiyayaasha RSF.

Hadda Kenya, waxay qaadatay siyaasad ka soo horjeeda maamulka milateriga Suudaan , kaddib martigelinta hoggaanka RSF ee qorsheynaya inay dawlad ka soo horjeeda milateriga ka dhisaan Nairobi. Illaa maanta hoggaamiye sare oo ka soo horjeeda milateriga , Al Hadi Idris Yahya uu ka sheegay xarunta KICC; “Waxaan rabnaa dawlad iibsan karta hub si ay u difaacdo dadkeenna.”

Kenya iyo maamulka Ruto, waa isla dawladdii toddobaadkii hore hal milyan oo dollar sheegtay inay ugu yaboohayso dhibanayaasha Suudaan ee dagaalladu saameeyeen, laakin taa beddelkeeda waxay roog cas u fidisay dambiilayaashii dilka , dhaca iyo burburka ka geystay Suudaan..!

Hadda, Kenya ayaa fursad khilaaf diblomaasiyadeed oo horleh, laakin dabcan xisaab la’aan uma dhacayaan arrimahan oo waxay isku diyaarisay cawaaqibka aan la saadaalin karin ee ka dhalanaysa xaaladan, sabab la xiriirta waxay Kenya faragelisay Suudaan oo ay dab ku shiday khilaafka isku rogay dagaalka muddada dheer ka socda Suudaan, xilli Suudaanida ay xasuusanayaan inay Kenya dardargelisay qorshihii kala goynta labada Suudaan , markaa oo ay u dhaqmaysay hab wakiil quwada kale oo doonayay madax bannaanida koonfurta Suudaan.

W/Q Iman Jamac

Screenshot

Related posts

Trump oo digniin adag ka bixiyey xil ka xayuubinta lala damacsan yahay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo ma heli Doonaa Badalkii Mahdi Guuleed oo ka fogaaday?

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo deegaanno dhowr ah kala wareegay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---