Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo gacan ka geesanaya casriyeynta dekadaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Amb; Alper Aktaş.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami oo kamida maamuladda Shirkadda Albayrak, oo ah shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo uxilsaaran horumarinta dekedda muqdisho.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa soo dhoweeyay taageerada Turkiga iyo ballanqaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha, kuwaas oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Related posts

Shil noociisa aan horey loo arag oo ka dhacay jidka xiriiriya Garowe & Qardho (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre oo ka hadlay khilaafka dastuurka, fariin culusna u diray Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---