Duqeymo aad u culus ayaa caawa lagu garaacay Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo xoogaga Daacish
Duqeymahaan ayaa lala eegtay dhowr xarumood oo ay Daacish la hayaaeen oo mid kamid shir uga socday Saraakiisha Kooxdaan ugu sar saraysa sida laga soo xigtay ilo Sirdoon.
Degaanka Saraakiisha lagula eegtay duqeymaha ayaa ah goob istaraatiiji ah kuwaasoo udub dhexaad u ah Calmiskaad.
Tiro ka badan 10 ayaa lagu dilay halkaasi waxaana ku dhaawacmay qaar kale oo aan tiradooda la sheegin.
Puntland ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish, ayna fuliyeen dayuuradaha Imaaraatka