Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo dedaal ugu jirta iney ku biirto Ururka WTO

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaasoo lagu furay hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururkan caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay in hannaankan laga miro-dhaliyo, si Soomaaliya ay xubin rasmi ah uga noqoto WTO.

Dr. Ngozi Okonjo-Iweala, ayaa dhankeeda ballanqaaday in ururku uu siin doono Soomaaliya taageero farsamo, si ay ugu guuleystaan hannaanka xubinnimada ururka.

Related posts

Wasiir Beyle oo Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegtay in si dirqi ah uga bad baaday weerar ay ku dili rabeen C/llaahi Shariif

Cabdi Cade

Wax loo maleenayo in ay yihiin Drone ama gantaal oo kusoo dhacay degmada Taleex

Cabdi Cade
Taboola Ads ---