Allbanaadir.com
NEWS

MUQDISHO: Qiimaha Gaaska cuntada oo sare u kac weyn sameeyey

Qiimaha Gaaska cuntada ee magaalada Muqdisho ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay mar kaliya, arrintaasoo walaac ku abuurtay qoysas badan xili ay soo dhowdahay bisha Ramadaan.

Kororka degdegga ah ee qiimaha haanta gaaska ayaa noqday arrin dareen gelisay dad badan. Bishan horaanteedii, qiimaha haanta gaaska wuxuu ahaa $16, balse maalin ka hor waxaa la xaqiijiyay in qiimuhu si lama filaan ah ugu kacay $30 kaasoo ah mid laban laab ah

Sicir-bararkan deg degga ah wuxuu saameyn xooggan ku yeelan karaa nolol maalmeedka dadka, maadaama gaasku yahay muhiimad nololeed, gaar ahaan cunto karinta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa kororka, balse waxaa la tuhmayaa arrimo ay ka mid yihiin sicir-barar guud, yaraanta sahayda, ama arrimo suuq-geyn ah.

Dadweynuhu waxay is weydiinayaan su’aalo badan oo la xiriira sababta kororkan degdegga ah dhalisay, iyadoo hay’adaha ay khuseyso aysan faahfaahin ka bixin illaa hadda xaaladdan soo korortay oo culeys ku ah bulshada.

Related posts

Pentagon-ka oo faahfaahiyey duqeyntii ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Xaaladda Jubbaland oo weji cusub yeelatay kadib markii Beesha Caalamku shaacisay..

admin

Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay Shir Xasaasi oo Cadale ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---