Allbanaadir.com
NEWS

Musaveni oo aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Uganda, halkaas oo Madaxweyne Museveni uu si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha cusub.

Intii ay socotay kulanka labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka diblumaasiyadda, ganacsiga, ammaanka iyo arrimaha bulshada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonto horumarinta xariirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyada oo xooga saari doonta iskaashi wax ku ool ah oo dan u ah labada shacab.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamo nabad ilaalin ah ka jooga Soomaaliya, waxayna labada dal leeyihiin xiriir taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaya. Safiirka cusub ayaa lagu wadaa in ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta xiriirkaas.

Related posts

Somaliland oo gorgortan kula jirta dowlad labaad oo dooneysa in la siiyo saldhig milateri

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlayaa shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee maanta ka furmaya Damaam? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadalo la yeeshay dhigiisa Kenya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---