Xamar waxey soo martay dhiibaatooyin si xooggan u waxyeeleeyey shacabkeeda oo qaar ka mida cabsi amaan oo ay qabaan awgeed uga barakacay ama qaxooti ugu galay dalal shisheeye, iyo qaar magaalada ku sii haray oo silic iyo saxariir dulinimo ugu noolaa, waxaana mahad eebe ahayd in dadaal badan oo loo soo galay awgeed in Muqdisho laga soo badbaadiyey oo laga keenay meel aad u fog oo dadka xaaladooda nololeed ay ahayd mid aad uga hooseysa iney ku noolaadaan dad leh Sharaf iyo karaamo aadaminimo, waxeyna taas ay tusaale ku waano qaadasho ah ay u tahay dadka tirada yar iyo gafaneyaasha ku naaxey hantida dowladda oo weli hamuunta u qaba iney Xamar ku noqoto meeshii fogeyd oo laga keenay, iyo weliba kuwa sii jaleecaya iney mucaaradnimo hubeysan ay kala hor yimaadaan dowladda taagta daran ee sida la ogyahay lagu soo wadey ilaa ay soo gaarto heerka ay maanta joogto oo ah mid hididiilo badan gelisey shacabka Soomaaliyeed ee dareensan waxa laga soo maray dhismaha dowladnimada.
Waxey ahayd 1990 markii uu kelitaliyaha hogaaminayey xukunkii Mileteriga uu amray iney macalimiinta jaamacadda oo dhameystay tababarkooda ay dalka dib ugu soo noqdaan, kadib markii macalimiinta Talyaaniga oo u badanaa barayaasha jaamacadda ay dowladoodu u diidey iney soo aadan Soomaaliya, iyadoo walaac badan ka qabtey xaaladda amniga Soomaaliya oo aad uga sii dareysey xiligaas, wuxuuna Talyaanigu ahaa cida keliya ee Jaamacadda Soomaaliya bixin jirtey qarashkeeda oo ahaa ilaa 85 milyan Dollarka Mareykanka sanadkiiba, wuxuuna Talyaanigu ahaa shisheeyaha sida gaarka ah ugu dhow dowladdii ahayd mileteriga oo uu deeqo kala duwan siin jirey oo ay ka mid ahayeen tababarka ciidanka iyo gadiidka culus oo uu ciidanku u adeegsado xamuulka iyo qaadida ciidanka, wuxuuna dhaqaalaha uu deeqda u bixiyo inta badan ay ahayd mid u dhamaaneysey xagooda oo intooda badan laaluush loogu celin jirey.
Waxaan ka mid ahaa macalimiinta soo dhameysatay aqoontooda sare oo 8 sano waxbarasho dhameystiran ku soo qaatay dalka Talyaaniga, waxaana ka mid ahaa tiro yar oo loo ogolaaday iney dalkaas ku sameeyaan shahaadada sare ee PhD, markaan imid waxaan macalin ka noqday kuliyada injineeriyada, waxaana sidoo kale aan cilmi baare ka noqday kuliyada Sayniska, gaar ahaan qeybta Kimikada, waxaana bilihii ugu dambeeyey 1990 dhumay hogaaminta dalka oo kooxo iswada diidan ay ka dhex curteen dowladda dhexdeedii, kuwaas oo ku wada loolamayey awooda dowladda oo gacanta ka sii baxeysey, waxaana qalqalkaas ku yimid hogaanka dowladda barbar socdey aqoonyahano iyo waxgarad isabaabulayey si ay uga tashadaan tilaabada xigta inta aysan dhicin burbur dowladeed, kuwaas oo dadaaladoodu ay mirodhal noqon waayeen, maadaama awoodii dowladda ay gacanta u gashay kooxo kala duwan.
Dhamaadkii sanadkaas ayaa waxaa dhacday kooxo aan cidna ka amar qaadan oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka uu u lahaa kelitaliyihii xukunka mileteriga, kuwaas oo si iskooda u go’aansaday iney habeen walba dilaan 500 oo raga oo laga soo heybsooco dadka degen muqdisho, waxeyna habeenkii ugu horeeyey ay xasuuqeen dad lagu qiyaasay 150 raga, waxaana ka mid ahaa dadkaas la laayey adeerkey oo magaciisu ahaa Sheekh Maxamed Cali oo ku magac dheeraa “Jugjug”, wuxuuna ahaa maalqabeenka ugu taajirsan magaalada Dhusamareb, waxaa sidoo kale dhacdadaas lamaaneeyey in koox ah qabiil yar oo degta shabeelada Dhexe heyb ahaan loo hubeeyey si dadka ka tiradaa badan ay u laayaan, taas oo keentay agagaarka Qalinlow iyo Buulo xaar inta u dhexeysa in dad rayida lagu waxyeeleeey oo weliba si arxandaro ah indhaha looga ridey, dhacdooyinkaas oo soo dedejiyey maalmaha ugu dambeeyey sanadkaas in isdifaac hubeysan ay sameeyaan shacabka degen Muqdisho.
Maalintii ugu dambeysey sanadkaas ayey qarxeen dagaalo looga soo horjeedo ciidanka dowladda oo markaas ay ciidanka madaxtooyadu bilaabeen iney bililiqeystaan bangiyada, wasaaradha, hayadaha caalamka, safaaradah, furdada, airportka, ganacsiyada sida gaarka loo leeyahay, waxeyna kooxdaas kadib bilaabeen iney isaga baxaan Xamar oo ay u kaceen xuduuda kenya, waxaana sidoo kale jirtey koox la magacbaxaday “Dhafoorqiiq oo saldhig ka sameystay Garoonka Stadiyo Muqdisho, kuwaas oo ka soo jeedey gobollada Waqooyi Bari, waxaana sidoo kale jirtey koox yar oo ku hartay madaxtooyada oo hubkii cuslaay xaruuntaas ku soo aruursaday, waxaa sidoo kale jirey kooxo isugu jirey ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo jidka Tarabuunka wixii ka shisheeyey isku gadaamey, ciidankaas oo ka soo kala jeedey degmada Galdogob, Laascaano, iyo Kuudhaa, waxeyna kuwaas si arxandaro ah ay u beegsanayeen rayid ay heybsooc u dilayeen.
Maalmahaas waxey Xamar gashay jawi aad u adag oo biyihii iyo korontadii ay go’an yihiin, raashinkii keydka ahaana la boobay, isgaarsiintii gudaha iyo dibeda oo go’day, iyo lacag la’aan baahsan oo magaaladii ku dhacday, waxaana intaas u wehlisey madaafiic culus oo si darandooriya ugu imaanayey madaxtooyada iyo Satadiyo Muqdisho, kuwaas oo lagu hagayey xaafadaha ay dadku u badan yihiin iyo suuqyada ganacsiga oo haawanayey cabsi awgeed, waxeyna duqeymahaas ay dhaliyeen in qiyas la’aan ay dadku u dhintaan si raxan raxan ah oo meydadkaas lagu duugayey jidadka, dugsiyada, iyo meel kasta oo banana, taas oo xamar ka wada dhigtay xabaalo, waxeyna dadweynaha la bartilmaameysanayey ay heysteen oo keliya isbitaalka SOS oo lahaa hal saalo oo qalina oo loogu talo galay haweenka in lagu umuliyo, waxaana isbitaalkaas maalin walba la keenayey dad dhaawacan oo kor u dhaafaya kun qofood, waxaana dadkaas laga badbaadinayey dad ka yar boqol qof oo ay weliba u dheereyd dhaawacyada lugaha iyo gacmaha laga goynayey kabaabyo la’aan.
Waxaan maalintii dagaalku bilowday isku dayey inaan alaab ka soo qaato jaamacadda oo markaas gacanta ugu jirtey ciidanka dowladda oo qaab maleeshiyaad qabiila u dagaalamayey, waxaana arkay meydad daadsan barxada guryaha If iyo Aakhiro ee ku yaaley deegaanka Siinay, ragaas la laayey waxey qabeen tuute ciidan, markaan dadka weydiiyeyna waxey ii sheegeen iney ahaayeen ciidanka dowladda, balse waxaan gadaal ka ogaadey iney isugu jireen saraakiil iyo dad rayida, kuwaas oo tuutaha baaq hayb ahaan iyo qoryo fudud loogu keenay si ay isku difaacaan, waxxana horay ugu sii socday dhanka jaamacadda waxaan dhib la’aan aan ka gudbey furinta ay ka dagaalamayeen ciidanka dowladda oo ay ka muuqatey habqan iyo cabsi, waxaana la kulmay dad rayida oo ay xasuuqayeen iyagoo caloosha ka dooxayey, agabkoodana dhacayey, dameerada ay wateyna dilayey, iyo haweenka oo ay si bahalnimo ah u kufsanayeen, kadibna ay dilayeen, waxeyna ciidankaas ku halqabsanayeen dila waa “Calool Madoobeyaale”, waxeyna dadkaas u badnaayeen kuwo magaakada soo geliyo quutul daruugiga ay dadku u baahan yihiin.
Caloolxumada aan arkay waan awoodi waayey inaan horay u sii socdo, waxaana dib ugu soo noqday deegaanka aan degenaa oo madaafiicdu ay si tiro badan ay ugu soo dhaceysey, balse taas ay u muuqatey naxariis marka loo eego tacadiyada ka dhanka ah ee loo geysanayey dadka rayidka ah oo si heybsooca loo bartilmaameysanayey dilkooda, waxeyna dhimashadu noqotay wax iska caadiya oo nafta dadku ay ku qeymo beeshay, waxaana murugada ugu weyn ay ka jirtey caruurta iyo waayeelka oo si xad dhaafa u geeriyoonayey cuduro, nafaqo, iyo daawo la’aan awgeed, waxeyna masiibadu si gaara u taabaneysey rayidka dowlad ku noolka ahaa iyo dadka laga tiradaa badan yahay oo aysan deegaanada kale ee Soomaalida aysan u jireen ehel ay gabaad ka raadsadaan, kuwaas oo ay ka xirnaayeen jidadkii ay dibeda ugu dhoofi lahayeen ama ay dhaqaale uga heli lahayeen dadkooda dibeda ku nool.
Waxaa argagax badan lahaa kufsi wadareedka loo geysanayey haweenka oo marka ay wiilashoodu ku soo baxaan tacdiga loo geysanayo hooyooyinkood ay ciidamada dowladda ay si naxariis la’aana ugu hordilayeen wiilashaas hooyooyinkooda hortooda, waxaana aan marnaba xasuusteyda ka go’in hooyo Ruusha oo hal wiil u dhashay nin sarkaala oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi Bari oo ay kufsadeen oo halkii wiil oo ay lagaydna ku hor dileen, waxey hooyadaas ay ku calaacaleysey iyadoo ku hadleysa af Soomaali jajaba; “Waa wiil Soomaaliya 21 jira muxuu galabsaday oo loo dilayaa, aabihiisa waa askeri ee askarta kale maxey wiilkiisa u dilayaan,” wareysiga ay dadka siineysey wuxuu ahaa mid argagax badan, waxeyna tilmaan ka bixineysey xaafada ay degeneyd oo ahayd xamarweyne, qeybta Via Roma, tacadiyada loo geysanayey hantida iyo nafta dadka degen xaafadaas oo dilka iyo dhacu uu ka bilowday.
Xaashi wehliye (AUN) oo ahaa aasaaseyaashii maalgelinayey Jabhadda USC, ahaana ninka xiligaas ugu taajirsanaa magaalada Muqdisho oo haddana is ka lahaa ganacsiga ugu weyn ee gaadiidka raaxada, ayaa u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey duygeyn ay ciidanka madaxtooyada la beegsadeen guri ay ku shirayeen waxgarad dib u heshiisiin kula jirey kelitaliyihii, waxaana ku soo dumey gurigii ay ku shirayeen, waxaana qoorta uga dhacay dhagxaanta ka soo daadatay burburka guriga, waxaase la waayey gadiid lagu soo qaado dhaawaciisa jidadka oo kala xirnaa awgeed, waxaana keliya oo suurtogal noqotay in gaari gacan lagu soo qaado dhaawaciisa, qoraxda oo kululeyd iyo saacado badan oo ay qaadatay in dhaawaciisa la soo gaarsiiyo isbitaalka SOS, ayuu halkaas ugu geeriyoodey daqiiqado kadib markii ay qoorto xoogg u barartay, sidaasna ay ku joogsatey hawadii iyo dhiigii gaari lahaa maskaxda.
Xamar waxaa soo galay jabhaddii USC, waxaana isla markiiba ku dhacay kala furfur, waxeyna u qeybsantay maleeshiyaad beeleedyo iska soo wada horjeeda oo ay dhex mareen dagaalo culus, waxeyna xaafadaha Xamar u qeybsantay kuwo ay kala maamulaan dagaaloogeyaal arxandaran oo ku adeeganayey maleeshiyaad beeleed maangaaba, waxaana Xamar si joogto ah uga dhacayey boob gaadiid, hanti, dilal qorsheysan, aanooyin qabiil, iyo kufsi xad dhaafa oo loo geysanayey haweenka waayeelka ah iyo gabdhaha ay da’doodu ka yar tahay 15 sano, waxaana intaas wehliyey sirdoonka wadamo badan oo adeegsanayey maleeshiyaadkaas ay hogaaminayeen qabqableyaasha dagaal oo si gaara u bartilmaameysanayeen waxgaradka indhaha u ah bulshada sida culimada, saraakiisha, aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta wadaniyiinta ah, waxaana ka dhacay Muqdisho wax ka daran arxandaradii ay ku sameeyeen dadka iyo dalka ciidamadii keliteliyihii mileteriga.
Bilicda ay maanta leedahay Muqdisho dad badan ayaa dhiigooda u soo daadiyey oo ka soo xoreeyey kelitaliyihii arxankadarnaa, iyo waxgaradkii dadaalka u galay oo ka soo gudbiyey sooyaalkii madoobaa oo ay astaanta ugu ahayd dhaxalkii ka dhashay burburkii ku dhacay xukunkii mileteriga oo ay u ahayd xaruunteeda, waxeyna shacabka Xamar intooda badneyd ay ku le’deen dhibaatooyinkii soomaray, waxaana hadda Muqdisho ku nool jiil cusub oo u badan dad ka soo hayaamay gobolada dalka iyo dhulka miyiga ah ee u dhow Xamar, waxeyna dadkaas war mooga ah qaar ka mida ay taageerayaan siyaasiyiin mucaarada oo raba iney dowladda xoogg kula dagaalamaan, kuwaas oo aan waxba ka baran murugaddii ay ka soo kabatay Xamar iyo weliba tiiraanyadii ka dhalatay dhalinyaradii macnodarada dhiigooda loo adeegsadey oo aan gablan ma ahe aan soo kordhin waxtar, iyadoo aysan beelna maanta wax karaamo ah aysan u hayn kuwii magaca beelahooda u geeriyoodey oo difaacayey xukunka dagaaloogeyaashooda beeleed.
Waxaa haboon in dadkii soo joogey dhibaatooyinkii lixaadka lahaa ee ka dhacay Xamar burburkii dowladda mileteriga ka dib iney waayoaragnimadooda la wadaagaan dhalinyaradda ku nool Xamar oo aan dhibaatooyinkaas soo marin, waxaa sidoo kale looga baahan yahay in dugsiyada waxbarasha kuwooda sare ardayda lagu baraarujiyo dhibka la soo maray iyo meesha laga keenay Muqdisho oo hadda nabada, waxaana sidoo kale looga baahan yahay hayadaha samafalka iney dhacdooyinkii ay goob jooga u ahayeen ay ka soo sameeyaan filimo la tuso dadweynaha si ay uga fogaadaan xasaradaha keeni kara isku dhacyo hubeysan oo salka ku haya dariiqo diin ama siyaasad ama qabiil, waxeyna ahayd in la aqbali karo in la iska difaaco ciidan dowlad oo rayidka duulaan ku ah sida kii keliteliyihii mileteriga, balse waxaan la aqbali karin oo shacabka rayidka ah ka reeban iney ciidanka dowladda oo sugayaa amniga dadka, dalka, iyo dowladda oo haddana aan cidna duulaan ku ahayn in dagaal qabiileysan oo huwan mucaaradnimo siyaasadeed guluf dagaal hubeysana lagala horyimaado, iyadoo weliba ay xasaradahaas ay dabada ka soo riixayaan madaxda maamul goboleedyada dowladda ka xarig furtay oo cadow shisheeye dhagar wadaag kula ah iney Muqdisho dib u geliyaan burburkii ay ka soo kabatay.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Saciidciise258@aol.com