Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo shan qodob kala hadlay guddoomiyaasha gobolada

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada Somaliland, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay.

Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa:

𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.

𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.

𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,

𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.

𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada:

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda  Somaliland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Maraykanka oo dalab cusub dul dhigtay Farmaajo baaqii Puntland & Jubbaland kadib!!

admin

War Murtiyeed laga soo saaray shir DF iyo dowlad goboleedyada uga socday Kismaayo

Caydiid Ali

Dab xoogan oo goordhaw ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---