War lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgal khasaare geestay laga fuliyay xalay guri kuyaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Al Shabaab maamulaan xarun weyna u ah.
Dowladda warbaahinteeda warka lagu daabacay ayaa lagu sheegay in la weeraray guri Ceelbuur ka deganaa sargaalka madaxda uga ah Al Shabaab ciidanka loo yaqaan xisbada, waxa ayna sargaalka la weeraray magaciisa ku sheegeen Yaxye Labomadax.
”Hawlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga Degmada Ceelbuur, waxaana Maleeshiyaadka Al Shabaab lagu gaarsiiyey qasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markaasi kadib ay Al Shabaab qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga dowladda.
Degmada Ceelbuur ayaa lagu waramayaa in maanta ka taagan tahay xiisad ka dhalatay weerarka xalay la sheegay in uu ka dhacay guriga sargaal katirsanaa kooxdaasi, waxaana adag in war madaxbannaan laga helo waxii xalay dhacay iyo ciddii fulisay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com