Allbanaadir.com
NEWS

Xubno badan oo Daacish u qaabilsanaa lacag aruurinta oo la qabtay

#BOOSAASO: Xubnihii ugu badnaa ee dakhli ururinta u qaabilsanaa kooxda ISIS oo Boosaaso lagu qabtay

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish.

Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso.

“Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

“Wallaahi habeenkii ma seexdo, waxaan la seexan waayay waa shacabka oo qofkii ay ka shakiyaanba isku duubaya oo qabanaya, si uusan u baxsan markaasina kuu soo sheegaya, waxaana idin sheegayaa shaqada aan qabano badankeeda in ay iska lee yihiin shacabka oo aan uga mahadcelinayo” ayuu sii raaciyay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli uu magaalada Boosaaso ka socdo hawlgal xooggan oo ka dhan ah xubnaha kooxda Argagixisada ah ee Daacish u qaabilsan dhaqaale ururinta iyo qaraxyada ay ka sameeyaan magaalada kuwaasi oo badankooda gacanta lagu dhigay, sida uu sheegay G/sare Cabdiqaadir Dirir.

 

Related posts

Milateriga Israel oo bukaano & shaqaale Caafimaad ku laayey Isbitaalka Al-Shifa

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyey geeddi socodka Siyaasada dalka

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Tel aviv ka geystay weerar dhimasho sababay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---