Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka Yurub oo xaalka kusii xumaanayo iyo Trump oo sabab u ah

Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa yeeshay wada-hadal deg deg ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Paris ee xarunta Faransiiska ayaa ku baaqay in sare loo qaado kharashaadka difaaca si kor loogu qaado awooda difaaca ee qaaradda,.

Dalalka Yurub hoggaankood ayaa waxa ku kala qaybsameen suurta galnimada in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Ukraine si ay u taageeraan heshiis kasta oo nabadeed.

Yurub, waxay u muuqataa inay dhexda u gashay marxalad aysan horey u xisaabin , oo ka dhalanaysa inuu Mareykanka ka baxayo garabkooda. Waakan hadal aadan sugeyn inad maqasho, waa Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska , Keir Starmer oo u muuqda inuu ‘laabta’ u dejinayo reer Yurub, kaddib markii uu shalay sheegay ;

“ Kulankii aan rasmiga ahayn ee shalay ee hoggaamiyayaasha Yurub ayaa ahaa talaabadii ugu horreysay ee muhim ah oo looga jawaabayo caqabadaas dhanka difaaca! Way caddahay in Maraykanku aanu ka bixi doonin NATO,” balse hadalka wuxuu raaciyay in Yurub looga baahanyahay inay qabato shaqo badan oo ay ku gaari karto inay isku filnaato..!

Muxuu Mareykanka sidan ugu galayaa reer Yurub ?

Trump iyo maamulkiisa oo uu ku jiro maalqabeenka waxa dhacaya saameynta ku leh ee Elon Musk, waxay ka caraysan yihiin lacagta badan ee Mareykanka uga baxaysa difaaca Yurub , illaa dalalka Yurub qaarkood ay iska iloobeen dhismaha milateriga iyo inay miisaaniiyadooda difaaca horumariyaan, taa beddelkeeda reer Yurub waxay lacag badan ku bixinayaan waxyaabo Trump iyo kooxdiisa ay u arkaan inan loo baahneyn, ma garanaysa waxyaabahaa? Waa lacagta badan ee ku baxda qaxootiga soogalootiga ah ee Yurub qaabisho oo muslimiin u badan , tan oo ay ka soo horjeedaan, midda xigta waa lacagta badan ee ku baxda taageerrada kuwa beddela jinsigooda.

Waxayna Trump iyo kooxdiisa uu ugu horreeyo Elon Musk, ay doonayaan inay hoggaanka dalalka Yurub ku taageerraan xisbiyada midigta fog ee soogalootiga iyo kooxaha jinsigooda beddela ka soo horjeeda , iyagoo u arkaya inay tahay wax muhiim ah badbaada qiyamka bulshada caddaanka ee ku dhimanaya Yurub!

Iman Jamac

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Imisaa Maalin walba laga xadi jiray canshuurta Qaadka ee garoonka Aadan cadde?

Caydiid Ali

Amar cusub oo lagu soo rogay goobaha Waxbarashada ee Magaalada Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---