Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo Turkiga u bandhigay arrin ay si weyn u daneenayaan

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Β Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire 𝐀π₯𝐩𝐞𝐫 π€π€π­πšΕŸ iyo wefti uu hoggaaminayay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Turkiga.

Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka , arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.

Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

 

Related posts

Duqa Muqdisho oo kulamo la qaatay madaxda Hay’addaha TIS iyo TIKA (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo beenisay iney dalkeeda ka soo eriday danjirihii dowladda Somalia

Caydiid Ali

Bangi kuyaalla Mareykanka oo musalafay iyo keydkii Macaamiisha oo lala wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---