Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalinta beri ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Farmaajo oo wafdigiisa ay ka mid noqon doonaan wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowlada ayaa booqasho dhowr maalmood ah ku joogi doona degaanada Puntland.
Waxaa uu ka qeybgeli doonaa munaasabad loogu dabaaldegayo afar Sano guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8-da Bishan ee Janaayo, isagoo sidoo kale xariga ka jari doona garoonka cusub ee dayuuradaha Garoowe oo ah mid si heer caalami ah loo dhisay ayna ku baxday lacag aad u fara badan.
Qaban-qaabo diyaar garow weyn ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland kaasoo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweynaha Somalia, iyadoo la xoojiyey amaanka, waxaana sidoo kale wadooyinka lagu xardhay sawirka Madaxweynaha iyo calanka Somalia.
Farmaajo ayaa marka uu tago Garoowe waxaa sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlad goboleedka Puntland, isagoo boogan xarumaha dhinaca maamulka iyo xeryaha ciidamada ee degaanadaas ku yaalla.
Wararka qaar ayaa sheegaya sheegaya in Farmaajo iyo wafdigiisa marka ay ka soo laabtaan Garoowe ay booqasho ku soo mari doonaan Magaalada Cadaado oo xarunta kmg ah ee maamulka Galmudug.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada garoowe ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu halkaas ku tago tan iyo markii sanad ka hor loo doortay xilka ugu sareeya Qaranka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com