Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa go’aamiyey in si rasmi ah kalfadhiga loo furo maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025.
Furitaanka kalfadhigga lixaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u qorsheysnaa in la furo lixdii bishan, hasa ahaatee sababo aan la shaacin ayaa dib loogu dhigay furitaanka kalfadhigga labada Aqal.