Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo ka qeyb galay shir lana kulmay Wasiirro Carbeed

Wasiirka Amniga Qaranka XFS Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Tuniisiya uga qeyb-galay shirka 42-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sanadle ah ayaa sanadkan xoogga lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagixisada, ka hortagga daroogada iyo dembiyada abaabulan.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Masar, S/Gaas Maxamuud Towfiiq, Ciraaq, S/Guud Cabdull-amir Kaamil Al-shimri, Al-jeeriya, Mudane Ibrahim Muraad, Cummaan, Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Madaxa interpol S/Gaas Axmed Naasir Al-risi iyo Xoghayaha guud ee golaha wasiirrada arrimaha gudaha Carabta, Dr. Maxamed Bin Cali Koomaan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda Amniga Soomaaliya.

Wasiir Fartaag ayaa masuuliyiinta uu la kulmay uga warbixiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, isagoo sidoo kale ka codsaday dalalka Carabta in Soomaaliya lugu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa Tuniisiya ku wehliyay Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga Qaranka Ismaaciil Macalin Cabdulle.

Related posts

Galmudug oo bandow ku soo rogtay degmo dhowaan laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya Madaxtooyada iyo Qodobada looga hadlayo

Cabdi Cade

Shirkadda Hormuud oo War ka soo saartay xariga qaar ka mid ah shaqaalaheeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---