Allbanaadir.com
NEWS

Bandhigga Hindisaha Waxbarashada oo Muqdisho lagu daah-furay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, ayaa tilmaamay in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada, gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada, iyadoo la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalkeennu uu wax weyn ka qabto dhibaatooyinka ay sababi karaan isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.

“Markii la dhisay Xukuumadda DanQaran waxaa la sameeyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, iyadoo maantana aynu joogno Wasaaraddii waxbarashada oo soo kordhisay in ardayda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan la baro isbeddelka cimillada” ayuu yiri R/W kuxigeenka dalka.

Waxa uuna inta akusii daray” Waxaan aqoonsannahay baahida deg degga ah ee loo qabo adkeysiga arrimaha isbeddelka cimillada dalkeenna, waxaan xaqiijinayaa in Xukuumaddu diyaarisay shuruucdii lagu hagi lahaa barista ardayda saameynta isbeddelka cimillada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Kenya ka socda oo dhameystiran

Caydiid Ali

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Masuuliyiinta Maxkamadaha dalka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo xalay weerar ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah iyo xiisad laga cabsi…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---