Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo la dagaallamaya Al Shabaab oo lala dardaarmay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.

Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.

 

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Xiriir cusub yeelanaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shaqaale ka tirsan heyad samafal oo lagu dilay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Nin Xaaskiisa kula taliyay in ay is disho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---