Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo taakuleysay Puntland iyo Madaxweyne Deni oo qaabilay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday  Galmudug ,kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah ee  Daacish ka sifeynaya Puntland.

Wafdiga Galmudug ayaa taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen maalintii shalay guddiga taakuleynta iyo daryeelka hawlgalka ciribtirka argagaxisada ee Puntland, si ay garab ugu muujiyaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Boosaaso waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax ka kala socota Somalia & Itoobiya oo ku wada sugan..

Caydiid Ali

Baashi Max’ed Isxaaq oo isku dhiibay qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

DF oo wada qorshe aan la mahdin doonin & Golaha wadatashiga oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---