Nin kasoo jeeda Israa’iil ayaa weerar toogasho ah ka geestay magaalada xeebta leh ee Miami ee dalka Mareykanka, waxa uuna ninka weerarka geestay rasaas culus ku furay gaari ay la socdeen labo qof oo dalxiisayaal ah.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahiyay in ninka weerarka geestay dadka uu rasaasta huwiyay in heestay in ay yihiin dad kasoo jeeda Falastiin, hasa ahaatee labada qof uu ninkan rasaasta huwiyay ayaa ahaa dalxiisayaal kasoo jeeda Israa’iil.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in rasaasta ku dhaawacmeen labada qof ee gaariga la socday uu damacsanaa ninkan in uu toogto, waxaana la sheegay in ninkan labada qof uu ku riday ku dhawaad 17-xabbo si aysan u badbaadin.
Toogashada waxaa geestay oo loo xiray Mordechai Brafman, oo 27 jir ah, waxaana ninkan lagu soo oogay laba dacwadood oo isku day dil ah, waxaana wareysi laga qaaday uu ku sheegay in dadka uu doonayay in uu dilo u heestay in ay yihiin Falastiiniyiin.
Weerrakan uu ninka geestay ku fashilmay ayaa kusoo aadaya xilli uu sii kordhayo weerarada naceybka ku saleysan ay geesanayaan dadka Yahuuda, kuwaa oo argagax badan ka qaaday weeraradii ay dadka badan ku dileen ururka Xamaas.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com