Dowladda Mareykanka oo warbixin soo saartay ayaa saaka oo Isniin ah ku dhawaaqday in ay duqeymo lagu beegsaday Argagixisada ISIS xalay ka fulisay buuraha Calmiskaad ee Puntland, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 16 Feb oo ku beegan xalay lagu beegsaday dagaallamayaasha kooxda Argagixisada ah ee Daacish, kaddib iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM ay muujisay in laba Argagixiye oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeynta, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray rayidka, sida ku xusan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Militariga Mareykanka.
Warsaxaafadeedka dowladda Mareykanka, gaar ahaanna Taliska AFRICOM ayaa intaasi raaciyay in Talisku weli qiimayn ku wado khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay oo ay wakhtiga ku habboon shaacin doonaan macluumaadka dheeriga ah ee soo baxa.