Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dilay Cali Hadaafow Xasan iyo faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeysan oon heybtooda la garan,  ayaa xalay deegaanka Samora ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in koox hubeysan rasaas ku fureen marxuum Cali Hadaafow Xasan oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi, waxa uuna marxuumka u geeriyooday rasaasta lagu dhuftay.

Burcada hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhac ka geesteen dukaanka ay weerareen, waxa ayna halkaasi ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo dukaanka yaallay.

Soomaali badan ayaa si micnodarro ah mar kasta loogu dilaa tuulooyin iyo deegaanno katirsan dalka Koonfur Afrika , mana jiro cid wax ka qabata dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesto dalkaasi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa daawanaya Ciyaarta u dhaxeysa Argentiin iyo France

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay qaabkii uu Cali Guudlaawe u xaliyay tabashadii reer Baladweyne

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo xalay ka ambabaxay dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---