Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo shir muhiim ah uga qeyb galay Munich

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025, kaa oo ay ka qeyb galay madax ka kala socotay qaar kamid ah waddamada caalamka.

Shirkan Jarmalka ka furmay ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka qeybo kamid ah xilligan  ka jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isagoo si gaar ah u xusay dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Al-Shabaab iyo ISIS. Waxa uu caddeeyey in howlgallada ka socda dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaanada ay horey ugu sugnaayeen kooxahaas, taas oo keentay dib u soo celinta xasilloonida iyo maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale la wadaaggay madaxda iyo khubarrada caalamiga ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in beesha caalamku gacan ka geysato taageerada Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada ah loona xaqiijiyo horumar waara.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka

Cabdi Cade

Shirkada Buruuj oo si sharci ah ku yeelatay dhul lagu qabsaday oo ku yaala Jaziira (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo kahor timid Guddiyadii Doorashada ay soo Magacaabeen Jubbaland & Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---