Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo war kasoo saartay howlgal xalay ka dhacay buuraha Calmis

Dowladda Federaalka Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in xalay howlgal dhinaca cirka ah oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeynta Mareykanka fuliyeen ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in   ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka katirsan kooxda Daacish ee ku sugan  Buuralayda Calmiskaad.

”Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Dowladda Soomaaliya ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad , waxa ayna dowladda sheegtay in ay socdaan qiimeynta khasaaraha ka dhashay duqeyntan dhacday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laba sano kadib xukumada Khayre ma qabatay waxyabihii laga filayey side u arkaan Shacabka muqdisho? (Daawo Video)

admin

Al Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa …

Cabdi Cade

Madaxii hore ee Nabadsugidda Sacuudiga oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---