Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudllaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliye Odowaa (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.

Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle kuwaasoo lagu soo af-jarayo Kooxda al shabaab.

“Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah sida uu yiri.

Kulankan ayaa ku soo aaday xili ay dib u bilowdeen howlgalo ay degaano ka tirsan Hirshabelle ka wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka kuwaasoo ka dhan ah al shabaab.

Related posts

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay xilli aan lasoo qaban ninkii dilay

Cabdi Cade

Doorashada Guddoonka Aqalka sare oo goordhaw si rasmi ah uga bilaabatay Afisiyooni

Cabdi Cade

Dilka Abuubakar Al Bagdaadi oo loo hadal hayo iyo Trump oo Warbaahinta la hadlaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---