Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Ciro & danjiraha Turkiga ee Somalia?

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire 𝐀𝐥𝐩𝐞𝐫 𝐀𝐤𝐭𝐚ş iyo wefti uu hoggaaminayay, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Turkiga.

Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.

Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland  xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

Related posts

Waa Kuma Joe Biden Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka?

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo dowladda la gashay Imaaraadka iyo Kenya

Cabdi Cade

Ciidanka Nabad Sugida oo Muqdisho ku xiray Wariye caan ah iyo cidda amartay xarigiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---