Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weerar dagaalyahanno katirsan kooxda Daacish maalmo kahor ku qaadeen ciidamada difaaca maamulka Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad gaar ahaan togga Jaceyl.
War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay Muqdisho ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka Daacish ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland, weerarkaasi ayaana si adag loogu jabiyay kooxda Daacish oo looga dilay xubno aad u badan.
“Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarkii Argagixisada ee kooxda Daacish ku qaaday ciidamada difaaca Puntland 11-kii bishaan Feb February” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee kuyaalla Muqdisho.
Dowladda Mareykanka ayaana dhambaal tacsiyo ah u dirtay eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen askarta ciidamada Puntland ee lagu dilay weerarka kooxda Daacidsh, waxa ayna caafimaad deg deg ah u rajeenayeen askarta ku dhaawacantay weerarka.
Weerarka Daacish kusoo qaadeen fariisiimihii ay ciidamada Puntland oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ,  ayaa si adag loogu jabiyay kooxdaasi, waxa ayna Puntland shaacisay in weerarkaasi ku dileen in ka badan 40-xubnood oo katirsanaa Daacish.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com