Qaar ka mid ah dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii shalay muujiyay taageerada ay u hayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo isugu soo baxay banaanka safaaradda Mareykanka ee magaalada Pretoria, iyaga oo muujinaya in ay yihiin dhibbanayaal cunsuriyad kaga timid dowladdooda.
Boqolaal mudaaharaadayey ah ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen “Ilaahay baa Mahad Leh oo Trump Madaxweyne [ka dhigay]” iyo farriimo kale oo dhaliilaya sharciyo ay u arkaan in ay liddi ku yihiin caddaanka laga tirada badan yahae ee Koonfur Afrika.
Dadka badankoodu waxay ka tirsanaayeen bulshada Afrikaanarka, oo uu Trump si gaar ah diiradda u saaray toddobaad ka hor markii uu saxiixay amar madaxweyne oo jaray kaalmadii Mareykanka uu siin jiray dowladda Koonfur Afrika ee ay hoggaanka u hayaan madowgu. Amarkaas wuxuu Trump ku sheegay in Afrikaanarka, oo ah dad asal ahaan ka soo jeeda gumeysigii Dutch-ka, lagu bartilmaameedsanayo sharci cusub oo u ogolaanaya dowladdu in ay la wareegto dhul caddaanku leeyahay.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay in sharcigan cusub uu la xiriirayo midab-takoor, waxayna sheegtay in sheegashooyinka Trump ay ka buuxaan warar marin habaabin iyo been abuu ah.
Trump wuxuu sheegay in dhulka laga qaadayo Afrikaanarka, oo uu ku tilmaamay “milkiileyaal dhul oo si cunsurinimo ah loo bartilmaameedsaday”, inkasta oo aan weli wax dhul ah si rasmi ah dadkaas looga qaadin. Waxa kale oo uu Trump shaaciyay qorshe uu Afrikaanarka ugu ogolaanayo in magangalyo siyaasadeed ay u yimaaddaan Mareykanka, inkasta oo ay jiraan dad kale oo caddaan ah, Afrikaanarkuna ay yihiin qayb yar oo ka mid ah bulshada cad ee Koonfur Afrika.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa, oo ka hadlayay baarlamaanka toddobaadkan, wuxuu sheegay in mar dambe aan Koonfur Afrika laga ogolaan doonin in dad si khasab ah looga barakiciyo dhulkooda, ka dib boqolaal sano oo gumeysi ah iyo nidaamkii midab-takoorka ee apartheid, kaasoo malaayiin qof oo madow looga qaaday dhulkooda.
“Dadka dalkaani way garanayaan xanuunka ay leedahay in si khasab ah dhulkooda looga raro,” ayuu yiri Ramaphosa. Wuxuu intaas ku daray in sharciga dhulka uusan ogolaaneyn in dhul si aan nidaam ahayn loo qaato, balse ogolaanayo oo kaliya in dhul dib loo qaybiyo, iyada oo la eegayo danta guud.
Eedeymaha iyo ciqaabta uu Trump dul dhigay Koonfur Afrika waxay sare u qaadday dood dheer oo dalka ka taagneyd oo ku saabsan sida loo saxayo cadaalad-darrooyinkii ka dhashay boqolaal sano oo xukun cunsurinimo ah oo cadaanka ay ku hayeen dadka madow.
Sida ay dowladdu sheegtay, sharciga cusub ee dhulka wuxuu si cadaalad ah u xallinayaa sinnaan la’aanta ka jirta milkiyadda dhulka, maadaama inta badan dhulka beeraleyda ee dalka uu gacanta ugu jiro cadaanka, inkasta oo ay ka yihiin kaliya 7% shacabka Koonfur Afrika.
Mudaaharaadayaashii cadaanka ee Sabtidii banaanbaxa dhigay ayaa watay boorar ay ku dhaliilayaan sharciga la wareegista dhulka, iyo sidoo kale sharciyo kale oo ay dowladdu soo rogtay illaa iyo markii uu dhamaaday nidaamkii midab-takoorka ee 1994 si dadka madow loogu furo fursado dhaqaale. Shuruucdaas, oo loo yaqaan Black Economic Empowerment, waxay noqdeen arrin qaar ka mid ah dadka cadaanka ah ay ka xumaadeen.
La-taliyaha saameynta badan leh ee Trump, Elon Musk — oo ku koray Koonfur Afrika — ayaa sidoo kale si isdaba joog ah u dhaliilay dowladda Koonfur Afrika, isagoo ku eedeeyay in ay cadaanka la dagaallamayso, inkasta oo dad badan ay su’aal geliyeen sababaha uu arrintan ugu ololeynayo. Waxaa dhowaan la diiday in shirkaddiisa Starlink ay ka hesho ruqsad ay uga shaqeyso Koonfur Afrika, maadaama aysan buuxin shuruudaha dowladda ee ku saabsan in ganacsiyadu ay u hoggaansamaan siyaasadda fursadaha loo siman yahay.
Inkasta oo midab-takoorku uu muddo dheer ragaadiyey siyaasadda Koonfur Afrika, haddana dalka wuxuu ku guuleystay in uu mideeyo dadka kala duwan ee ku nool dalkaasi ka dib nidaamkii midab kala sooca. Xukuumadda hadda jirta waxay ka kooban tahay isbahaysi ka dhashay 10 xisbi oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin madow iyo kuwo caddaan ah kuwaasoo iska kaashanaya hoggaaminta dalka.
Source Voa
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com